Doodii Miisaaniyada ee MMTV oo iqiiro gallisay.

RH: Waxaan kamid ahaa kumanaan qof oo xalley 09.01.22 ku daawadey qurbaha, waxaanan anigu gaar ahaan ku daawaday wadanka Denmark oo aan ku noolahay, hadaba waxa aan  jeclaystay in aan qallinka uqaato si aan usuureeyo wixii iiga soo dhexbaxay doodaas.

Doodu waxa ay aheyd mid dheer waxaaney socotey 2.26 (Laba saacadood iyo lix iyo labaatan  ilbidhiqsi) oo aan nasasho laheyn.

Waxaa soo agaasimey MMTV, waxaana hagayey wariyaha caanka ah ee Maxamed A sheikh ( Ilig), waxaa lagu soo martiqaadey laba garab oo kala socdey wasaarada Maalliyada oo misaaniyadii 2022 ka oo ay soo diyaariyeen ay hada baarlamanka hortaalo si ay waajibaadkooda uga gutaan iyo labo dhaqaalayahan  oo  dhanka kale ah , waxaa sidoo kale Istudiyaha lagu soo martiqaadey  xubno kamid ah bushada qeybaheeda kala duwan, waxay ahayd goob bilan oo nidaamsan .

Qiimeyntayda.

Maraka uu qofku doodaas quruxda badan daawanayo inta badan lama oga dhibka uu kasoo maro qabanqaabiyaha barnaamijka iyo in aad isku keento intaas oo xubnood oo isdiidooyin kadhaxeyso, wariyaasha waa la diidaa , waa laga cudurdaartaa, telfoonka ayaa laga xidhaa, waa laga dhuunta oo loo diidaa in doodahooda iyo waraysidooda la ogolaado, qaarkood waa la aflagaadeeyaa,  

Dadka umadu ubaahantahay sida la isugu keenaa mahawlyara inta badan waxaa hawshan oo kale kadabaasha   wariye madaale ah oo leh astaamo iyo hibo gaara oo ilaahey kumaneystay waxaana know ka ah  dulqaadka sidaas awgeed hambalyo ayaan leeyahay MMTV iyo wariye Maxamed Cabdi sheikh (Ilig) iyo asxaabtiisa hawsha lawadey, Waxa aad qabateen dood aad loogu baahnaa oo timid xilligii saxda ahaa.

Hogaaminta doodu waxay aheyd heersare dhamaan kaqeybgalayaashuna waxa ay muu jiyeen doodwadaag hufan , is dhageysi , is ixtiraam, is qancin , isa sixid iyo isu garow.  Waxaana aniga Iqiiro galliyay bislaanshiiyaha umadeed ee aynu gaadhney alxll,

Waxaanan toos u arkey in dibu dhiska dalka uu garab socdo dhismaha garaadka dadka iyo dowlad wanaaga ku dhisan daahfurnaanta.

 

LABADII GARAB EE DOODU DHEXMARTAY

Maxamuud Cilmi  oo kasocday waaxda diyaarinta miisaaniyada iyo Cabdi Cali oo ah agaasimaha dhaqaalaha ee wasaarada maalliyada SL, iyagana waxaan leeyahay hambalyo waxaad muujiseen doodwanaag iyo daahfurnaan , waxa kale oo aad muujiseen geesinimo aad umadiina ku hortimaadeen oo aad inta awoodiina ah qanciseen, talaabadan aad sameynayseen maaha wax caadiya iska daa afrika oo Yurub ayaaney siyaasiyiinta mooyaane  agaasimayaashu ku soo dhiiran oo ay kabaqaan Mikrafoonka iyo  in shaqda ay umada u hayaan fagaare wax lagaga waydiiyo , anigu shakhsiyan wax badan ayaan ka ogaadey shaqdiina iyo sida aad miisaaniyada dalka Jaangoysaan waanan idiinka mahadnaqyaa ka muwaadin ahaan  xogtaas aad nala wadaagteen, madaxdiinii idinka ogolaatay in aad na hortimaadaan Iyana way ku amaananyihiin.

 

Garabkii kale.

Waxaa dhanka kale ka socdey Cabdirashiid Baaxeer, Dhaqaaloyahan kasoo shaqeeyay dalka dibadiisa iyo gudihiisaba iyo Axmed Maxamed oo isna ah dhaqaale yahan iyo gacacsade sifiican usoo akhriyey miisaaniyada, Runtii dadka la isu keenay waxay ahaayeen dad xul ah oo aqoon uleh waxa ay kahadlayaan kuwo  bisil oo ay ka muuqato in ay dalkooda lexejeclo badan kaqaba, waxaa xusid mudan in doodu ahayd mid ku qotonta tabashada bulshada inteeda badan waxaanay iigu muuqatay in ay nafis  uaheyd dhagaha inta tuhunsan in qaybinta miisaanida dalka uu qalooc ku jiro waxaa xusid mudan in la isla qirey arinka 10%  ee lagu celiyo degmooyinka  qaar ay tahey hawl utaala Baarlamaanka cusub hadii uu waxkabadal kusameynayo iyo hadii kale waxaase intaba ka muhiimsan in biyodhaca dooda ee labada dhinacaba  ahaa sideebaynu uhagaajinaa wixii inaga qaldan si uu inoogu soo baxo dal wanaagsan oo dheelitiran iyo umad aaminsan oo ku kalsoon dawladnimadooda iyo cashuur bixintooda.

 

Tallo

Waxaa jirey meelo yar oo iigu muuqdey in ay doodu yar taraartey sida su'aal kusaabsaneyd

1.madaxweynaha iyo waxa uu kusaleeyo dhismaha wasaaradaha.

2.Wasaarada diinta iyo waxa ay kuqabto lacagta miisaanida ugu jirta

3.Fanaaniinka iyo lacagta ugu jirta miisaaniyada oo lagu sheegay maalaayacni aniguse aaan u arko mid haboon .

4. Hantidhowrka iyo sida ay shaqdooda ugutaan .

Dooduhu haku koobnaadaan mawduuca iyo hadba cida meesha fadhida ee golaha martida u ah .

Gebo-Gebo.

Walaalayaal dawladnimadu waa sida hooyada iyada oo caruurteeda wada jecel hadana  waxa ay marwalba hoos uogtahay oo ay nafaqeysaa ubadkeeda hadba ka uyar , kabuka iyo kan hadba baahan, hadii aaney iyadu gacanta wax kuhayn , waxey ka qaadaa kahaysta iyadoo hoos ugu dhiibaysa hadba kan ay isleedahay wuu ugu baahi badanyahay sidaasaana lagu gaadhaa horumarka la hiigsanayo.

Codsi:

Waxaanu ka codsanayna saxaafada in ay noo badaniyaan doodaha noocan ah ee nolasha dadka toos utaabanaya, waxaan sidoo kale ka codsanaynaa in ay soo ajiibaan masuuliyiinta laga codsado in ay dadweynaha horyimaadaan si wax looga waydiiyo masuuliyada ay umada uhayaan, waan ogahay maaha wax lagu soo ordo halagu xisaabiyo waxaadse kadhaxlidoontaan sharaf iyo sumcad hadiise aad diidaan waxa ay idinku noqon "nin hilaabxumi in uu wax qasanayo ayaa la moodaa"

wariyuhu waxa uu wakiil kayahay oo uu afkooda ku hadlayaa shacbiga oo wajibaad ayuu gudanayaa waxaanu mudanyahay  in la ixtiraamo.

 

mkju

 

Qoraalkani waxa uu kusaleysanyahey aragtidayda gaarka ah , adiga maxay kula tahay?

Wabilaahi tawfiiq.

Mohamed-amin Siyad Abdi

Tifatiraha Radio Hormuud Denmark.

 

Category