Maxay tahay abaalmarinta uu Sharma Boy uga guuleystay fannaaniinta Afrika?

Sharma Boy ayaa sanadkan hantay abaalmarinta fannaanka soo baxaya ee sanadka 2021-ka - dhanka waddankiisa - kaddib markii uu fannaaniin kale oo Afrika kasoo jeeda uga adkaaday tartan sanadle ah oo ka dhacay dalka Mareykanka.

Abaalmarintan oo lagu magacaabo "African Entertainment Awards USA"(Billadaha Madadaalada Afrika ee Mareykanka) ama AEAUSA ayaa munaasabaddeeda lagu qabtay magaalada gobolka New Jersey ee dalka Mareykanka.

Magacyada musharraxiinta u tartamayay billadaha heerarka kala duwan ayaa la shaaciyay 1-dii bishii November ee sanadkan 2021-ka.

Sharma oo matalayay Soomaaliya ayaa kaalinta koowaad ka galay billadda fannaanka Afrika ee ugu wanaagsan hobalada kasoo ifbaxaya waddankiisa.

11 fannaan oo la loollamay Sharma Boy ayaa kala ahaa:

Nikita Chepchumba Kering, oo caan ku ah Nikita Kering, oo u dhalatay dalka Kenya.

Trio Mio, oo ah fannaan u dhashay Kenya.

Mimi Mars, oo u dhalatay dalka Tanzania.

Halima Bah, oo u dhalatay dalka Senegal.

Leil, oo u dhalatay Morocco

Kobazzie, oo u dhashay Liberia.

Swabbii, oo fadhigiisu yahay Yurub.

JRhyma, oo kasoo jeeda Nigeria balse fadhigiisu yahay Mareykanka.

Tribe Mark, oo ah Mareykanka Madow kana soo jeeda gobolka New Jersey.

Annalie Prime, oo u dhalatay jasiiradda Trinidad and Tobago

Susan Emike Ekwe, oo ku magac dheer Harmonee, oo u dhalatay Nigeria.

Sanadihii dmabe ayuu fanka soomaalida si weyn uga soo caan baxay Sharma Boy, isagoo qaada heesaha qoob ka ciyaarka leh ee loo yaqaanno Rap-ka.

Ninkan oo ka mid ah fannaaniinta da'da yar ayaa wareysi uu horay BBC-da u siiyay ku sheegay in fankii hore laga gudbay oo casri cusub la galay.

Waxa uu ku dooday in heesaha raabka ay yihiin waxa hadda laga xiiseeyo adduunka.

 

xigasho : BBC

Category