Siyaasiyiinta gobollada waqooyi oo ku sii kala fogaanaya doorashada kuraastoodu taallo Muqdisho

Waxaa sii xoogeysanaya khilaafka u dhexeeya siyaasiyiinta gobollada waqooyi ee ku sugan Muqdisho, xilli ay soo baxayaan eedeymo ku aaddan in si aan u hufneyn loo maareynayo doorashada kuraastooda golaha shacabka.

Ra'iisal wasaare kuxigeen Mahdi Maxamed Guuleed ayaa ku eedeeyay garabka gudoomiye Cbadi Xaashi Cabdullahi inay u gafeen ra'iisal wasaarha, doorashadana ay si habsami leh u socoto.

Waxa uu sheegay in hadalkii maanta uu gef-weyn ku ahaa Ra'iisul wasaaraha iyo xubnihii kale ee loo jeediyey, isagoo sheegay in beelaha Dir-waqooyi ay u mahad-banaan yihiin doorashada kuraastooda.

"Wixii ka dhacay guriga Cabdi Xaashi dhaqan Soomaaliyeed ma aheyn Ra'iisul Wasaare Rooble iyo beeshiisana waxaan ka raali gelinayaa gefkaas, waxaan leeyahay xaal qaata, Ra'iisul wasaarow raali ahaaw, beeshaadaana hanaga raali noqoto," ayuu yiri Mahdi Guuleed.

Ra'iisul Wasaare ku xigeenka oo faahfaahin ka bixiyey doorka uu ra'iisul wasaare Rooble ku leeyahay doorashada kuraasta reer waqooyiga ayaa sheegay in door dhaqaale oo aan looga maarmin uu ku leeyahay xafiiska Rooble, balse uusan ku faro-gelin hanaanka loo maamulayo doorashada kuraastaas.

Dhanka kale Waxaa aragtidaas la qaba Ridwaan Xirsi Maxamed oo kamid ah Midowga Musharraxiinta Mucaaradka, mar ahaa ra'iisal wasaare kuxigeenka Soomaaliya.

BBC-da ayaa weydiisay waxa ay ku difaacayaan ra'iisal wasaare Rooble maaddaama aan eedaha iyaga loo jeedin?

Ridwaan Xirsi Maxamed oo ka jawaabaya ayaa yiri: "Waxaa dhacday in raysal wasaarihii iyo weliba hadana qoyskii laga hadlo, taasina ay ahayn wax wanaagsan marka waxaan dooneynaa in doorashada aan la carqaladayn oo loo daayo raysal wasaahara iyo guddiyada doorashada u xilsaaraan oo ay dadka kale oo dhanna fara kala baxaan."

Ridwaan ayaa sheegay in uusan raysal wasaaraha wakiilan oo aysan afkiisa ku hadlayn balse waxa uu yiri: "Maddaamaa aan nahay dadka doorashada ay quseynaysay oo u tartamayay xildhibaanada ama madaxweynaha waxaan u leenahay inaan orano raysal wasaaha yaan lagu carqaladayn doorashada."

"Waxaan qabnaa tuhumo ah in raggaan la soo dhexmaro oo la doonayo in doorashada ay dib u dhacdo ama laba rabo in raysal wasaaraha uu ku fashilmo doorashada taas waxaanu leenanahay waxa suurogal ah ma aha, lamana aqbali karo in doorashada isbaaro loo dhigto."

Waxyaabaha lagu eedeyay raysal wasaaha waxaa ka mid ah in uu garab maray odayaashii, ergooyinkii iyo dadkii loogu talagalay inay wax doortaan arrintaas oo ay ku tilmaameen inay tahay boob cad marka taas soo caqabad kuma noqonayso daah-furnaanta doorashooyinka?

"Ridawaan oo su'aashaasi ay BBC-da ka jawaabaya ayaa yiri: Inooma muuqato mana garan karno sabab uu raysal wasaaraha u boobo doorashada sababtoo ah isaga musharax ma aha, cid uu doorasho u boobana ma hayno."

Dadka qaar ayaa waxa ay aaminsan yihiin in uu jiro jahwareer dhanka siyaasadda ah oo soo food saaray siyaasiyiinta Gobollada Waqooyi, tusaale ahaan garabka Cabdixaashi mar ayay raysal wasaaraha isku dhinac ahaayeen, raysal wasaare ku xigeenka Mahdi Guuleed isna waxaa lagu riixayay dhinaca madaxweynaha, hadana waxaad mooddaa in waxa badan ay isbaddaleen oo raysal wasaare ku xigeen haatan jiri dhinaca raysal wasaaraha halka Cabdixaasi yoy garabkiisan ay dhinac yihiin.

Arrintan ayaa daba socota ka dib markii qaar ka mid ah siyaasiyiinta gobollada waqooyi ee ku sugan Muqdisho ayaa codsaday in dib loo dhigo doorashada xildhibaannada gobolladaasi ee lagu waday inay dhowaan qabsoonto.

Shir jaraa'id oo ay shalay ku qabteen magaalada Muqdisho ayaa waxay ka digeen in aanan la maroorsan doorashadooda. Waxay sheegeen in la boobayo guud ahaan doorashada gaar ahaanna midda gobollada waqooyi.

Boqor Cismaan Aw-Maxamuud Maxamed, oo ku magac dheer Boqor Buurmadow, kana mid ah madax dhaqameedka Somaliland, iyo odayaasha soo xulaya xildhibaannada gobollada waqooyi oo ayaa xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya, Maxamed Xuseen Rooble ku eedeeyay inuu farogelin ku hayo xubnaha ay odayaashu soo xulaan.

Boqor Buurmadow

"Doorashadu si habsami ah ayay inoogu socotay, odayaasha marka ay keenaan xubnahoodii waxaan isugu imaaneynay guriga Cabdi Xaashi, waxaa inoo imaanayay Guddiga Doorashooyinka ee heer maamul-goboleed, waxaa inoo imaanayay labada mas'uul ee Mahdi Guuleed iyo Cabdi Xaashi, waxaanu isla eegi jirnay xubnaha beesha, balse maalmahan dambe xafiiska ra'iisul wasaaraha wuxuu isku beddelay Cabdalla Shideeye,"

Booqr Buurmadow ayaa isagoo ay garab taagan yihiin qaar ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobollada waqooyi ee ku jira dowladda Federaalka Soomaaliya, sida guddoomiyaha Madasha Badbaado Qaran Cabdi Xaashi Cabdillaahi, wuxuu sheegay inay faraha kala baxeen doorashada Soomaaliya oo uu ku eedeeyay inuu maamulanayo ra'iisul wasaaraha.

Xiggasho: BBC

Category